Ku soo dhawaada taxanahan cusub ee aan kaga hadlayno buugga caanka ah Why We Sleep ee uu qoray saynisyahanka Matthew Walker. Waxaan idiin soo gudbin doonaa tarjumaad buuggan Af-Soomaali ah, si aad uga faa’iidaysataan cilmiga hurdada iyo sida ay nolosheenna u saameyso. Cutubka koowaad wuxuu xoogga saarayaa muhiimadda hurdada, saameynta hurdo la’aanta, iyo sida maskaxdeennu u shaqeyso marka aan seexanno.
Waa akhris wacyi leh oo wax ka beddeli kara hab-nololeedkaaga!.

Cutubka 1aad: Aad Ayaa Loogu Baahan Yahay Hurdo
Dad badan waxay hurdada u arkaan inay tahay waqti lumis ama wax aan muhiim ahayn. Waxa jira fikrado khaldan sida: “markaan dhinto ayaan seexandoona” ama “Hurdada waxaa ku raaxeysta dadka caajiska ah.” Laakiin xaqiiqadu waxay tahay: hurdadu waa tiirka ugu muhiimsan ee nolosha aadamaha. Waa lama huraan u ah caafimaadka jirka, maskaxda, iyo ruuxa. Cilmiga casriga ah e hada taagani waxaa u iftiimiyay in hurdadu ay si toos ah u saameyso wax walba oo na quseeya: sida aan wax u baranno, sida aan u xasuusano, sida aan ula xiriirno dadka kale, iyo sida jirkeennu uga hortago cudurrada. Hurdadu waa sida software update( marka mobil ama computer u isku diro dib u habayn) u ah maskaxda – waxay hagaajisaa xogta, waxay tirtaa wax aan loo baahnayn, waxayna dib u habeeysaa maskaxda si ay berri uga shaqeyso si ka fiican
Waa Maxay Hurdo?
Hurdo ma aha in la damo sida nal. Waa geedi socod ay maskaxda si firfircoon u shaqeyneyso—xitaa marka aynaan ogeyn. Maskaxda waxay gasha heerar kala duwan (sida REM iyo NREM), kuwaas oo kasta leh shaqooyin gaar ah. Inta lagu jiro hurdada:
- Maskaxdu waxay xasuusta u kala saartaa mid muhiim ah iyo mid aan muhiim ahayn.
- Jirku wuxuu bilaabaa dib-u-dhis unugyada, soo saarista hormoonnada, iyo hagaajinta hab-dhiska difaaca.
- Xogta maalintii waa la sifeynayaa, si habaysan ayaa loo kaydinayaa
Hurdo Waa Dawo Dabiici ah
Hurdadu waxay yareysaa halista cudurrada sida: wadne xanuunka, dhiig karka, sonkorowga, iyo xitaa kansarka. Sidoo kale, hurdadu waxay hagaajisaa niyadda, waxay yareysaa walwalka, waxayna kordhisaa dulqaadka. Dadka seexda 7–9 saacadood habeenkii waxay u nugul yihiin farxad, caafimaad iyo nolol dheeri.
Maxaa Dhaca Marka La Seexan Waayo? (hurdo)
- Hurdo la’aantu waa cudur aamusnaan ah. Marka qofku seexan waayo:
- Waxay hoos u dhigtaa xasuusta iyo waxbarashada.
- Waxay kordhisaa shilalka iyo khaladaadka (gaar ahaan darawaliinta).
- Waxay dhalisaa xanaaq, niyad-jab, iyo dareen aan degganayn.
- Waxay daciifisaa jirka difaaciisa cudurrada.
Hal usbuuc oo hurdo la’aan ah ayaa jirka iyo maskaxda u sababi karta dhibaatooyin la mid ah cabitaanka khamriga
Dadka maanta waxay ku nool yihiin nolol degdeg ah—howlo badan, iftiin badan, shaashado iyo mashquul aan kala go’ lahayn. Waxaan iska illoownay xeerarkii dabiiciga ahaa ee hurdada. Nalalka korontada, taleefannada, iyo shaqada habeenkii waxay dhaawaceen nidaamkii hurdo ee dabiiciga ahaa. Tusaale: iftiinka buluugga ah ee shaashadda telefoonka wuxuu xanibaa soo saarista melatonin, hormoonka hurdo dhaliya.
Gunaanad:buuga sababta aynu u seexanno
Hurdadu ma aha kaliya wax laga sheekeeyo—waa wax la fuliyo. Waa doorasho nololeed oo aan isbeddel keeni karta. Buuggani wuxuu u taagan yahay baaq cusub: in aan dib ugu noqono hurdadii dabiiciga ahayd, si aan ugu noolaanno si buuxda, fayo-qab leh, iyo maskax furan.
✍️ Qore: Matthew Walker
Tarjume: Roda Farhan